
Dowladda Soomaaliya ayaa mid xaqiiqada ka fog ku tilmaamtay warbixin uu soo saaray guddigii xaqiiqo raadinta ee dhawaan loo saaray dacwaddii dowladda Soomaaliya ka gudbisay Dowladda Kenya.
Guddigii loo xilsaaray xaqiiqo raadinta oo ka socday dalka Jabbuuti ayaa sheegay in Kenya aysan wax faragelin ah ku samaynin Soomaaliya.
Wasiirka warfaafinta Cismaan Dubbe ayaa sheegay in aysan dowladda Jabuuti ka filayn in ay la safato Kenya. “Waxa kasoo baxay guddiga waxay nagu noqotay fajac iyo amakaag,” ayuu yiri Cismaan Dubbe.
Wasiirka ayaa guddiga ku eedeeyay in diideen in ay Baladxaawo tagaan oo ay xaqiiq raadin ka sameeyaan, isagoo sheegay in ay soo dhaafi waayeen Mandheera ayna qaateen xogta ay Kenya u sheegtay.
