Bananbax ka dhan ah madaxweyne farmaajo oo maanta ka dhacay qeybo ka mid ah magalada muqdisho

0
143

Banaanbax looga soo horjeedo madaxweynaha dowlada federaalka Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa maanta waxaa uu ka dhacay xaafado ka tirsan degmooyinka wadajir iyo Dharkeenleey ee Gobolkan Banaadir, waxaana dhigay qaar kamid ah dadka ku nool degmadaas.

Dadka banaanbaxa dhigayay oo u badnaa Haween ayaa waxa ay wateen boorar ay uu ku sawiran yahay Sawirka Madaxweyne Farmaajo, waxaana ku qornaa erayo ay kamid yihiin, Dhalinyaradii aad geysay ereteriya meel ku sheeg, farmaajo waa qaran dumis iyo Erayo kale.

Qaar kamid ah dadka bannaabaxa dhigayay oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxaa ay ka codsadeen Madaxweyne Farmaajo in uu dalka isaga baxo, isla markaana iyaga aysan dooneyn waqtigaal dagaal.

Waxaa ay sheegeen in Madaxweyne Farmaajo looga baahan yahay in uu ogolaado doorashada, sidoo kalena Bulshada Muqdisho aysan dooneyn dagaal iyo in Magaalada Muqdisho laga qaxo.