
Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay walaac ka qabto dagaalka ka soo cusboonaaday degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo oo sida ay sheegtay Kenya wax aan badneyn u jirta xudduuda ay wadaagaan Soomaaliya.
Qoraal ka soo baxay Wasaarradda Arrimaha dibada Kenya ayaa lagu sheegay in dagaalkan uu sababay barakaca dad badan oo rayid ah, kuwaa oo laga yaabo in ay intooda badan ku biiraan qaxootiga Soomaalida ee ku nool dalka Kenya.
Dagaalkan ayeey sheegtay dowladda Kenya haddii uu sii socdo in uu xumeyn doono guud ahaanba nabad-galyada isaga oo dhinaca kalana carqalad ku noqonaya dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada.
Balse Kenya si toos ah qoraalkeeda ugama jawaabin eedeynta dowladda Soomaaliya ee ah inay soo hubeysay jabhad fallaago ah taa badalkeedana waxaa ay ku baaqday in dagaalka la joojiyo.

