Wasiirka wasarada warfaafinta oo sheegay in dagaalkii beled xaawo ay ku jireen ciidamo kenyaan ah

0
302

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixisay dagaalkii ka dhacay degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo iyo khasaaraha ka dhashay dagaalkaas.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Cismaan Dubbe oo Shir jaraa’id u qabtay Warbaahinta ayaa sheegay in Ciidmada Kenya iyo kuwo fallaago ah ay soo weerareen degmada Beledxaawo, iyaga oo doonayay inay la wareegaan, balse Ciidamada dowladda ay si adag isaga difaaceen.

Waxaa uu sheegay Wasiirka in Ciidamada Dowladda ay guulo la gaareen dagaalka, isla markaana ay jab xoogan gaarsiiyeen kuwii soo weeraray sidoo kale ay dagaalka ku qabteen in ka badan 100 Maxaabiis ah.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cusmaan Dubbe waxaa uu sheegay in Kenya ay soo adeegsatay maleeshiyaad fallaago ah, kuwaas oo uu sheegay in badankood ay isku soo dhiibeen Ciidamada Dowladda ee ku sugan degmada Beledxaawo.