
Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyay cidda sugeysa amniga doorashooyinka Soomaaliya, in kastoo weli aan wax xal ah laga gaarin muranka doorashooyinka.
Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Sadiiq Aadan Cali ayaa sheegay in aysan jirin xarun khasaas ah oo Booliska Soomaliya ay si toos ah u maamulayaan, hayeeshee ay jiraan gudiyo isku dhaf ah oo ka kala socda dowladda federaalka & dowlad goboleedyada.
Waxaa uu sheegay in Ciidamada Booliska Heer Federaal & Heer maamul goboleed ay si wadajir ah isaga kaashan doonaan sugida Amniga degaannada dowlad goboleedyada & gobolka Banaadir oo ay ka dhacayaan doorashooyinka.
