Maxkamada ciidamada qalabka-sida qeybteeda 60naad oo xukun ku ridey askari ka tirsanaa ciianka boliska

0
219

Maxkamada Ciidamada qalabka sida qeybta 60-aad ayaa maanta oo sabti ah xukun ku ridey Cismaan ibraahim Cabdi oo katirsanaa Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ee ku sugan Magaalada Baydhabo.

Cismaan ayaa lagu helay in dhowr qof oo Shacab ahaa ku dilay Gudaha Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, waxaana Maxkamadeyntiisa ay soo martay heerar kala duwan.

Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida qeybta 60-aad Gaashaanle Sare Aadan Abuukar Maxamed oo Go’aanka maxkamada ku dhawaaqey ayaa sheegay in Cismaan ibraahim Cabdi lagu xakumey dil toogasho kadib markii ay ku cadaatey dilka uu geystey.

Maxkamada Ciidamada qalabka sida qeybta 60-aad ayaa ayaa dhowr jeer ooh ore waxaa ay xukuno kala duwan ku riday Askar & xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab oo lagu helay iay geysteen dilal kala duwan.