
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka somaliya Maxamed Xuseen Rooble, mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka iyo dadweyne fara badan ayaa ka qeyb galay salaadda Janaazada Allaha u naxariistee Guddoomiyihii degmada Hodan Marxuun Cabdixakiin Dhagajuun.
Marxuumka ayaa salaada janaasada lagula tukaday masjidka Isbahaysiga Islaamka iyadoona lagu aasay gudaha Degmada Hodan ee uu Marxuumka Guddoomiye ka ahaa ka hor geeradiisa.
Dhammaan Mas’uuliyiinta ka qeyb-galay Janaasada Allaha u Naxriistee Marxuum Cabdixakiim Dhaga-juun ayaa eebbe uga baryay in uu jannadii Firdowso ka waraabiyo.