Hay’ada QM u qaabilsan qaxootiga oo sheegtey in sanadkii lasoo dhaafay somaliya ay marti gelisay qaxooti badan

0
125

Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan Qaxootiga ayaa sheegtay in Soomaaliya ay ka mid aheyd dalalka Afrika ee sanadkii lasoo dhaafay marti galiyay Qaxootiga faraha badan.

War kasoo baxay hay’adda ayaa lagu sheegay in Qaxootigaasi ay kala socdeen Afrika iyo Aasiya ayna dalalka ay ka yimaadeen ka jireen dhibaatooyin dhanka Amniga.

In ka badan 24,000 qof oo ajnabi ah, isla markaana ka kala socda wadamada Ethiopia, Syria Iyo Yemen, ayaa sanadkii 2020 yimid gudaha dalkasoomaaliya,iyagoo nabad galyo doon ah sida ay sheegtay heyada UNHCR .

Sidoo kale waxay UNHCR sheegtay in laga soo bilaabo sanadkii 2014 ay soomaaliya dib ugu laabteen 90,000 oo soomaali ah kuwaas oo horay wadamo kale qaxooti ahaan ugu tagay