Dowlada itoobiya oo wax kama jiraan ku timaantey hadal heynta in ciidamo somaliyeed ka qeyb qaateen dagaalka

0
131

Dowladda Itoobiya ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamtay in ciidamo Soomaali ah ka barbar dagaalameen ciidanka difaaca Qaranka Itoobiya ee dagaalka la galay xoogagga Tigrayga.

Afhayeenka Wasaarradda Arrimaha dibadda Dowladda Itoobiya Dina Mufti ayaa warka ku saabsan in ciidamo Soomaali ah ka qeybqaateen dagaalkii Waqooyiga Itoobiya ee lala galay Tigrayga yihiin kuwo been abuur ah.

Warkan arrintan saabsan ayaa xiisad weyn ka dhax abuuray siyaasadda Soomaaliya, waxaana jira cadaadis xoog leh oo madaxda Soomaalida lagu saarayo in ay jawaab ka bixiyaan waxa ka jira in ciidamo Soomaali ah ka dagaalameen Itoobiya.

Laakiin dowladda Federaalka arintan waa ay beenisay iyada oo ku tilmaamtay warar la siyaasadeynayo oo ay ka faa’ideysanayaan dadka dowladda ka soo horjeeda.