
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa si kulul uga hadlay dilkii xalay Magaalada Muqdisho loogu geystay Guddoomiyihii degmada Hodan Cabdi Karim Dhegajuun.
Reysulwasaare Rooble ayaa marka hore u tacsiyadeeyay Ehellada iyo saaxiibadii uu ka baxay, iyada oo Hay’adaha Amniga uu amray inay soo qabtaan dadkii dilay Guddoomiyihii degmada Hodan.
Waxaa Eebbe uga baryayaa in uu naxariistii Janno ka waraabiyo ehelka iyo asxaabtana Samir iyo iimaan ka siiyo.
Waxaan farayaa hay’adaha ammaanka ee ku shaqada leh in ay baaritaan rasmi ah oo dhammeys tiran ku sameeyaan dhacdadadaas nasiib darrada ah.”
