
Maamulka Gobolka Gedo ayaa cambaareeyay weerarkii qaraxa ahaa oo ay Al-Shabaab la beegsadeen kolonyo ciidamo ah oo safar dhulka ah ku marayay deegaanka Yaxaaslow oo hoostaga Degmada Luuq, kolonyadaas oo uu hoggaaminayay taliyaha Ururka Dulmi-Diid ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed Labo Xidigle C/risaaq Maxamed Daa’uud, isla markaana uu ku dhaawacmay Taliyaha.
Qoraal kasoo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Gedo ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidamada ay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca Al-Shabaab, isla markaana ay khasaaro gaarsiiyeen.

