Ciidamo ka tirsan dowlada oo xalay diley gudoomiyihii degmada hodon

0
144

Guddoomiyihii degmada Hodan ee gobolka Banaadir Cabdixakiin Dhagajuun ayaa xalay saqdii dhexe lagu dilay magaalada Muqdisho kaddib rasaas ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ay ku fureen gaari uu la socday.

Guddoomiye Cabdixakiin ayaa saacado uun ka hor geeridiisa dalka dib ugu soo laabtay isaga oo ka yimid dalka Turkiga oo looga soo daweeyay dhaawacyo ka soo gaaray qarax sanadkii hore lala eegtay gaari uu la socday.

Gaariga uu la socday Guddoomiyaha ee rasaasta lagu furay xalay ayaa marayay degmada howlwadaag gaar ahaan agagaarka Jid Mareexaanka.