
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay duqeyn ciidanka Mareykanka ay ka fuliyeen saacadihii la soo dhaafay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.
Duqeyntan oo dhacday 19 bishan January ayaa waxaa lagu dilay saddex xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab.
Dowladda ayaa sheegtay in raggan duqeynta lagu dilay Saraakiil Al-Shabaab u qaabilsanaa fududeynta miinooyinka iyo qorista maleeshiyaadka.
Taliska Africom ayaa qoraal ay soo saareen shalay waxaa ay ku sheegeen xubnaha ay ku dileen ahaayeen hoggaamiyayaal u qabilsanaa qaraxyada iyo weerarrada.
