Wasiirkii hore ee wasaarada waxbarashada oo ku booryiyey in gobolka hiiraan gooni u istaag sameeyo

0
150

Wasiirkii hore ee Wasaarradda Waxbarashada ahna xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in marnaba shacabka gobolka Hiiraan ku qanci doonin sida uu hadalka u dhiggay maamulka Hirshabeelle.

Dhismaha maamulka Hirshabeelle ayaa ku tilmaamay in marwalba lagu soo aadayo xiligga doorashada iyadoo ujeedada laga leeyahay ku tilmaamay oo kaliya in xildhibaannada lagu boobo.

”Reer Hiiraan waxaan u wanaagsan in ay gooni-isu-taag qaataan, waa tan ugu wanaagsan arintaa, maxaa yeelay waxaa muuqata in gobolku uusan ka sii mid ahaan karin maamulkan Hirshabeelle oo sharci darro ku dhisan” ayuu yiri Cabdullaahi Goodax Barre.

Goodax ayaa taageero u muujiyay kacdoonka madaxweynaha cusub ee Hirshabeelle loogu diiday in uu taggo Beledweyne, waxaana uu sheegay in dowladda dhexe ay boobtay doorashada Hirshabeelle.

Mar uu soo hadal qaaday sababta uu arintan uga hadal Ugaas Xassan Ugaas Khaliif ayuu sheegay Cabdullaahi Goodax in laga yaabo Ugaasku in uu raali ka yahay sida ay wax dhacayaan.