Taliyaha ciidamada xoogga dalka oo markii ugu horeysay ka hadley saraakiisha lagu diley gobolka galgaduud

0
207

Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa markii ugu horreysay ka hadlay saraakiishii 9-ka bishaan lagu laalayay degmada Balanbal ee dhanka waqooyi kaga taalla gobolka Galgaduud.

Taliyaha ciidamada xoogga Gen. Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in ciidanka aysan laheyn heyb iyo qabiil gaar ah, balse falalkaan ay yahiin falal argagixiso, wuxuuna carabka ku adkeeyay in ciidamada ay gudan doonaan waajibaadkooda saxda ah ee arintaan ku aadan.

Gen. Odawaa wuxuu sheegay inaan sinaba looga hari doonin wixii dhacay, islamarkaana saraakiisha ciidanka ay ku raad joogaan dadkii falka geystay si loo horkeeno maxkamadda sharciga u leh in lagu ciqaabo dadka geystay falalka nuucaan ah.

Dhanka kale taliyaha wuxuu meesha ka saaray in aano qabiil loo beegsaday saraakiisha, wuxuuna sugay in ciidanka aysan laheyn heyb iyo qabiil gaar ah, balse arrimahaan oo kale ay yahiin falal argagixiso oo u baahan in gacan adag looga hortago.