Ciidamada Danab oo Howlgalo Ka Fuliyey Degmada Jamaame

0
61

Ciidamada Kumaandoosta Soomaaliya ee DANAB ayaa waxaa la sheegay in saacadihii la soo dhaafay ay howlgallo qorsheysan ka fuliyeen degaano ka irsan Gobolka Jubbada Hoose.

Saraakiisha Ciidanka DANAB ee howlgalka hoggaamineysa ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalka laga fuliyay degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada Hoose, isla markaana lagu dilay Saraakiil ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Gaashaanle Ismaaciil oo ka tirsan Danab ayaa sheegay in howlgalkaas lagu dilay Sarkaal Al-Shabaab u qaabilsanaa qaraxyada iyo Afar kale, kaas oo Magaciisa lagu sheegay Aadan Yuusuf Sheekh Maxamuud (Abuu Salmaan).

Caaidamada Danab oo ay wehliyaan ciidamada Mareykanka ayaa dhowr jeer oo hore howlgalo noocan oo kale ah ka fuliyey deegaanada gobolka Jubada hoose kaasoo y la beegsanayeen saraakiisha alshabab.