Maxaa Ka Jira Wararka Sheegaya in Mukhtaar Roobow uu Xanuunsan Yahay

0
38

Mukhtaar Robow Cali Abuu Mansuur oo in ka badan sanad iyo bar si sharci daro ah ugu xiran madaxda dowlada federaalka ayaa la sheegayaa in uu ku xanuunsan yahay howga uu ka degan yahay magalada muqdisho halkaasoo si xabsi guri ah loogu hayo.

Waxaa dhawaan soo baxayay warar ku saabsan in Mukhtaar Roobow uu ku dhex xanuunsanayo Xabsi guri ay ku heyso Dowladda Federaalka ayada oo la sheegayo in uusan daryeel fiican halkaasi ku heysan isla markaasina uu u baahan yahay dhaqtar.

Qaar ka tirsan waxgaradka reer koonfur galbeed ayaa sheegaya in Mukhtaar Xaaladiisa aan wanaagsaneyn, islamarkaana ay Dowladda Federaalka dayacday oo xil iska saarin daryeelkiisa, Iyaga oo dowlada federaalka ugu baaqay inay si deg deg ah wax ugu qabtaan xaalada wadaadka.

Mukhtaar Roobow ayaa xabsiga loo taxaabay bishii Disembar ee sannadkii 2018, xilli uu waqti kooban ka harsanaa doorashadii madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, taasoo uu ka ahaa musharrax saameyn weyn leh.

Dad ku dhow dhow xukuumada oo aan la hadalney ayaa waxaa ay inoo sheegeen in mukhtaar uusan u xirneyn xukuumada keliya balse ey ku lug leeyihiin xarigiisa siyaasiyiin kasoo jeeda koonfur galbeed taasi ay u sahashey xukuumada in ay si sharci daro ay kusii heysto Mukhtaar Roobow