Kulanka Faramaajo iyo Madaxda Maamul Goboleeedyada oo Maalintii Labaad Ka Socda Villa Somaliya

0
34

Waxaa Maalintii labaad ka socda Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya Shirka u dhaxeeya Madaxweyne Farmaajo, Madaxda Maamul goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Shirka oo shalay furmay ayaa waxaa diirada lagu saarayaa arrimaah la xiriira doorashada sidoo go’aan rasmi ah looga gaari lahaa si loo qabto doorasho laga wada heshiiyay.

Shirka Maalintii labaad socda ayaa wararka la helayo waxaa ay sheegayaan in Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ay soo bandhigeen qodobada qaar oo ay kaga ksoo horjeedaan go’aanadii kasoo baxay shirkii Dhuusamareeb 3.

Dhamaan dhinacyada ayaa si adag waxaa ay uga doodayaan arrimaha doorashada oo ah muhiimada shirka loo qabtay,waxaana maanta la filayaa in si aan caadi aheyn inay mas’uuliyiinta uga hadlaan arrimaha doorashada.