
Degmada Awdheegle oo ka tirsan gobolka shabelaha hoose ayaa waxaa Alshbaab laga saarey 6-dii August 2019, Taasoo hada laga joogo qiyaas ahaan mudo 7 Bilood ah.
Sida aynu ka war heyno ma jirto wax shaqo ah oo ay maamulka degmada iyo ka gobolka ay halkaasi ka wadaan hadey noqon laheyd dhinaca waxbarashada, dhinaca caafimaadka, iyo amniga.
Waxaa kaloo wax lala yaaba ah degmada Awdheegle oo qiyaastii u jirta degmada Afgooye in ka yar 40km in lagu tago Diyaarad Helicopter ah oo ku baxaysa lacag dhan $40,000 (Afartan Kun Doolar) markiiba.
Taasi oo muujineysa in uusan wax amni ah ka jirin guud ahaan gobolka shabelaa hoose maadaama maamulka gobolka iyo kuwa dowlada federaalka ay dhamaantoo isticmaalayaan diyaaradaha amisom oo ay ku bixiyaan dhaqaalo aad u far badan taasoo sacabka wax logu qaban lahaa.
Sawirkan idiin muuqda oo ah kan ay wada fadhiyaan masuuliyiintan waa xarunta Saraakiisha Ciidanka Amisom ee degmada Awdheegle sida idiin muuqata xarunta waxaa ay ka sameysan tahay Caw iyo Jiingad oo xataa wexey awoodi waayeen in ay xarun fiican halkaasi ka dhistaan mudadii 7 bilood ee ay ku sugaayeen degmada Awdheegle.

Degmada Awdheegle Xaafadeeda Malable waxaa Amnigeeda suga ciidamada Amisom, halka Qeybta shishe ee degmada ay inta badan maamulaan Alshabaab, Ciidamada Amisom iyo kuwa dowladana waxey awoodi waayeen in ay alshabab ka wada saaraan guud ahaan degmada awdheegle iyo nawaaxigeeda.
Si kastaba arintu ha ahaatee waxaad moodaa in guud ahaan gobolka shabelaha hoose aysan cidna u maqneyn ceelna u qodneyn sababtoo ah weli wexey la ciirciirayaan dhibtii ay ku jireen 30kii sano ee lasoo dhaafay ayagoon welina aysan muuqan cidii ka saari laheyd dulmigan lagu hayo gobolka.
Xaqiiqda Halkaa Ayey Mareysaa
WAXQABAD LA,AAN IYO IGU SAWIR AAN DHAMAAD LAHEYN

