
Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo khadka telefoonka ku wada hadlay ayaa isla gartay ahmiyadda ay leedahay in si wadajir ah labada dal ay uga shaqeeyaan sugidda nabadgalyada xuduudaha iyo guud ahaan xasilloonida gobolka.
Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Kenyatta ayaa sheegay in amniga labada dal uu yahay mid isku xiran, Isla markaana loo baahan yahay in laga fogaado wax walba oo keeni kara isfaham darro,sida lagu sheegay War-Saxaafadeed kasoo baxay Villa Soomaaliya.
Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale isku afgartay in sida ugu dhakhsiyaha badan ay u wada fariistaan guddiyo ka socda labada dal kuwaasoo ka shaqaynaya sidii loo xoojin lahaa xiriirka diblomaasiyadeed iyo kan ganacsi ee labada dad iyo dal ka dhexeeya ayaa lagu soo geba-gabeeyey War-Saxaafadeedka kasoo baxay Villa Soomaaliya.
Kenya ayaan weli ka hadlin dhankeeda wadahadalkan ay wada yeesheen labada madaxweyne, Balse xiriirka kenya iyo somaliya ayaan ahayn mid fadhiya maadamada labada dalba ay isku heystaan muran dhinaca bada ah isla markaana ay kenya mar walba dhankeeda ka imanayanaan khilaafka labada dal