Kulan Madasha Xisbiyada Qaran Uga Socday Magalada Ankara oo Lasoo Gabagabeeyey

0
210

Madasha Xisbiyada Qaran oo ay ku midooobeen Lix Xisbi Siyaadadeed ayaa waxaa ay War-Murtiyeed ay uga hadlayaan Arrimo dhowr ah kasoo saareen Shir Muddo Shan Cisho uga socdey Magaalada Ankara ee dalka Turkiga.

Warmurtiyeedka oo ka kooban laba Bog ayaa waxaa ay ku sheegeen in shirkooda uga hadleen caqabadaha Amni iyo midka siyaasadeed ee xilligaan dalka kajira sidii xal loga gaari lahaa, kuwaasoo wiiqi kara dowladnimada mudada la soo dhisaayey.

Sidoo kale Warmurtiyeedkooda waxaa ay ku sheegeen in dhamaan Madasha Xisbiyad Qaran wada hadallo iyo taloyin ay isku darsadeen, kadibna ay isku raaceen inay ku midoobaan Hal Xisbi Siyaasadeed.

Si loo gaaro midnimo iyo qaabka uu noqonayo Xisbiga ay ku midoobayaan ayay sheegeen in la magacaabayo Guddi farsamo oo muddo 45 Cisho ah kusoo dhameystira howlaha farsamo ee la xiriira Arrintaas.