Madaxweynaha Maamulka Jubaland oo Sheegey In Masuuliyiinta Xukumada Federaalka u Hanjabeen

0
191

Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa maanta ku andacooday in uu diiday dalab lacageed oo dowladda federalka usoo bandhigtay si uu meesha uga baxo.

Madaxweyne Axmed Madoobe oo barlamaanka Jubbaland ka hor hadlayay ayaa yidhi,’’ Waxaa maanta aniga sharaf ii ah inaanan reer Jubbaland dhaafsiisan 20 milyan oo dollar oo afka la iigu shubo, Mana jiro macno aan ka gorgortami karay.

Axmed Madoobe ayaa sidoo kale sheegay in loo hanjabay oo loogu goodiyay haddii uu xilka iskusii dhajiyo in la dili doono loona adeegsan doono dowladdo shisheeye. Waxa uu tilmaamay in dowladda federalka dad usoo adeegsatay in sidaas loogu goodiyo.

Axmed Madoobe wuxuu ugu baaqay madaxweyne Farmaajo inay miiska wada hadalka isugu yimaadaan oo ay ku kala baxaan dastuurka Soomaaliya. Waxaa sidoo kale uu baaq u diray dowladdaha Turkiga Ethiopia iyo Qatar isagoo ka codsaday inay joojiyaan dhaqaalaha iyo ciidamada ay tababarayaaan ee uu sheegay in lagu dhibaataynayo Jubbaland.