
Lacagta ku baxeysa doorashooyinka Soomaaliya ee 2020/21 ayaa markii ugu horreysay shaaca laga qaaday, xilli lagu wado in bilaha soo socda la guda galo diyaar garowgooda.
Wargeyska The Article ayaa qoray in guddoomiya guddiga doorashooyinka qaranka Soomaaaliya Xaliimo Yarey ay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay u sheegtay in doorashooyinka ay ku bixi doonto lacag dhan 53 milyan oo dollar.
Doorashada Soomaaliya ee sanadkan ayaa la filayaa in markii ugu horreysay ay noqoto mid qof iyo cod ah, hase yeeshee illaa iyo hadda ma cadda sida loo fulin doono, halka laga qaban doono, iyo cidda ka codeyn doonta.
Dhinaca kale, ma cadda cidda bixin doonta lacagta ku baxeysa doorashada, ayada oo ay cadahay in dowladda Soomaaliya aysan hayn, hase yeeshee waxaa la filayaa in dalalka caalamka ay gacan ka gaystaan.