Barakac aad u Balaaran oo ka Bilowdey Gobolka Gedo

0
216

Warar hordhac ah oo aan ka heleyno gobolka gedo ayaa sheegaya in colaadaha halkaasi ka bilowdey ay ka barakaceen dad gaaraya 9,000 oo qoys (56,000 oo qof) colaadaasi oo beryahanba u dhexeysey maamulka jubaland iyo dowlada federaalka.

Dadkan barakacay qaarkood waxay aadeen degmooyinka Doolow, Luuq, goobo isla Beled Xaawo ka tirsan halka dadka qaarkiina ay u firxadeen dhulka miyiga ah.

Qaar ka mid ah dadka barakacay ayaa magaalada kaga baxay ayagoo isticmaalaya baabuur waaweyn halka qaybo kalana ay cagtooda maalayeen. Waxa kale oo jirta in dad loo diiday iney magaalada ka baxaan ay degeen xaafado magaalada ka tirsan

Dad lugu qiyaasay 2.6 milyan oo qof ayaa hadda ku barakacsan gudaha Soomaaliya sababo lala xiriirinayo colaadaha waddanka ka socda iyo mashaqooyin ka dhashay isbedellada cimilada.

Soomaaliya waxay u diyaar garoobeysaa sidii ay u dhaqan geli lahayd Heshiiskii Kampala ee Midowga Afrika oo la xiriiray ilaalinta iyo caawinta dadka barakacayaasha ah, heshiiskan oo Madaxweynaha Soomaaliya uu saxiixay 26kii Nofeembar 2019.