
War-saxaafadeed ka soo baxay taliska Ciidamada Maraykanka ee qaarada Afrika ee loo yaqaano (AFRICOM) ayaa lagu faah faahiyey duqeymo dhinaca cirka ah oo uu Mareykanka ka fuliyey deegaan ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.
Qoraalka Africom ayaa lagu sheegay in Ciidamada Mareykanka ay shalay oo ku beegneyd 2/3/2020 laba duqeyn oo dhinaca cirka ah ka fuliyeen deegaanka Kuunya-Baroow ee G/SHbaeellaha Hoose.
Weerarkaas ayaa Mareykanka waxa uu sheegay inuu ku diley Xubin ka tirsan Al-Shabaab laba kalena ay ku dhaawaceen laba kale, isla markaana ay ku taageerayeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee dagaalka kula jira Ururka Al-Shabaab, sida uu sheegay Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika Janeraal William Gayler.
Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay inay qiimeyn iyo baaritaan ay ku sameynayaan inay dad rayid ah ku dhinten duqeymaha ay ka fuliyeen deegaanka Kuunya-Barow ee Gobolka Shabeellaha Hoose, isla markaana uu sii wadi doono howlgallada ka dhan ah Ururka Al-Shabaab si loo yareeyo awoodooda.
