Gudoomiyaha Xisibiga Wadajir oo Baaq u Direy Dowlada Turkiga

0
189

Gudoomiyaha xisbiga Wadajir Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa dowladda Turkiga ugu baaqay inay dib u eegis ku sameeyaan Ciidamada Haramcad iyo Gorgor oo uu Turkiga siiyo tababaro iyo dhaqaale farabadan.

Qoraal uu sii dhigay Bartiisa Twitter-ka ayaa waxaa uu sheegay in Ciidamadaan loo adeegsaday qaab siyaasadeeed, isla markaana ay ka qeyb qaateen dagaalo ka dhacay, Baydhabo, Gedo iyo Dhuusamareeb.

Hadalka C/raxmaan Cabdi Shakuur ayaa waxaa uu kusoo beegmayaa xilli todobaadyadii la soo dhaafay aad loo hadal haayey Ciidamada Haramcad & Gorgor oo dowladda Somalia geysay Magaalada Dhuusamareeb & degmooyin ka tirsan Gobolka Gedo.

Dhanka kale beesha caalamka oo dhaqaale badan ku bixisa in xasilooni buxda laga helo somaliya ayaa hadana indhaha ka eegaya qaab dhaqanka xukuumada maadaama ay xiliyadan dambe barakan ka bilowdeen deegaano aan hore looga barakicin.