Maxkamada ciidamada qalabka_sida oo xukuntey xubin ka tirsn alshabab

0
182

Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta oo Isniin ah waxaa ay xukun ku riday Nin Oday ah oo lagu eedeeyey in uu ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab.

Axmed Cali Aybakar ayaa loo heystaa kamid ahaanshayaha Alshabaab gaar ahaan in uu qaabilsanaa in uu kaga kireeyo guryo magaalada Muqdisho kuwooda xanuunsan iyo in uu uga wakiil ahaa xarumaha caafimaad ee magaalada Muqdisho oo uu ku lahaa wakaalad iyo kor joogteyn inta ay dib ugu noqonayaa deegaanadii ay ka yimaadeen.

Axmed oo ay ciidamada amniga xogtiisa hayeen ayaa laga soo qabtay mid kamid ah Xarumaha Caafimaad ee ku yaallo magaalada Muqdisho, waxaa xilligaas lala qabtay Bukaan Alshabaab ah oo uu ku diiwaan geliyay in uu adeer u yahay,sida lagu sheegay War kasoo baxay Maxkamada Ciidamada.

Baaris dheer kadib maxkamadda ayaa u jeedisay Eedda loo heysto Axmed Cali Aybakar ee ah kamid ahaanshiyaha Alshabaab iyo in uu u qaabilsanaa Alshabaab xanaaneyta bukaannada Alshabaab kuwooda dhaawca ah iyo kuwa qaba xanuunada kale, isagoo u kireyn jiray guryaha iyada oo la isticmaalayo magiciisa wakaaladeed.

Garsoorayaasha oo ay ku qaadatay dhagesiga kiiskan saacado ayaa ugu dambeyn go’aamiyay in lagu xukumo 10-sano oo xabsi ciidan ah, sida uu u sheegay warbaahinta Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.