
Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo Xubno la socda ayaa Maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose, iyaga oo safar ugu maqnaa Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.
Garoonka Diyaaradaha Kismaayo waxaa Wafdiga Axmed Madoobe kusoo dhaweeyey Xubno ka tirsan Maamulkiisa iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada, iyada oo Ammaanka Magaalada Kismaayo Maanta aad loo adkeeyey.
Axmed Madoobe ayaa intii uu ku sugnaa Magaalada Nairobi waxaa uu la kulmay qaar kamid ah siyaasiyiinta Soomaalida,sida Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, iyaga oo oo ka wada hadlay arrimo ku saabsan xaalada Soomaaliya.
Sidoo kale Axmed Madoobe ayaa waxaa uu Nairobi kula kulmay Xubno ka tirsan Wakiilada Beesha Caalamka oo uu kamid ahaa safiirka dalka Ingiriiska ee Soomaliya Benfender, iyaga oo ka wada hadlay xaalada guud ee dalka, Doorashada 2020/2021, Xiriirka Dowlada federaalka iyo Maamul goboleedyada.