
Magaalada muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya waxaa lagu qabtay kulan looga hadlayay xaalada degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo fatahaad uu ka sameeyey Wabiga Shabeelle.
Kulanka ayaa waxaa ka qeyb-galay qaar kamid ah maamulka koonfur galbeed oo loo xilsaarey xaalada degmada afgooye ee Gobalka Shabeelaha hoose iyo Hay’adaha Deeq Bixiyaasha iyo Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha hoose
Shirka oo Shir gadoominaayey Wasiirka Wasaarada Boostada isgaarsinta iyo Teknoolajiyada Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed ayaa waxaa uga Horeyntii Warbixinta Xaalada Gobalkaasi Gaar ahaan Degmada Afgooye laga Dhaqeystey Gadoomiyaha Gobalka Shabeelaha Hoose.
Hay’adaha Deeq Bixiyaasha Ka howlgala Gobalka Shabeelaha hoose ayaa sheegey in ay ku dedaali doonaan sidii Deeq ay u gaarsiin lahaayeen Afgooye si Isku mid ahna ugu gurman doonaan Gobolka Shabeellaha Hoose.