Madaxweynaha maamulka puntland oo dhaliilay gudiga doorashoyinka qaranka

0
128

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni, ayaa ku dhaliilay guddiga qaran ee doorashooyinka Soomaaliya inaysan ahayn guddi madax bannaan oo matali kara shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Deni, ayaa tilmaamay guddigaan inay u arkaan guddi katirsan xukuumada Soomaaliya ayna mararka qaarkood ku hadlaan afkii dowladda, iyagoo dhaliilaya dowlad goboleedka.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in aysan ka qeyb qaadan karin habka uu guddigaan ku shaqeynayo mar haddiiba madax bannaanidiisu ay su’aal ka taagan tahay.

Hadalka madaxweyne Deni ayaa kusoo beegmaya, iyadoo guddigu doorashadu uu hadda miiska u saaran yahay dhowr nuuc oo doorasho ah oo ay ugu talo galeen in la qaato mid kamid ah.