
Burcad-badeedda Soomaalida ayaa sii daayay markab weyn oo saliid siday iyo 8 shaqaale ah oo u dhashay Sri Lanka, kuwaas oo maalmo kahor ay qabsadeen.
Ciidamada Badda Puntland ayaa ku guulaystay in markabkan lasii daayo, kadib markii kooxaha burcad badeeda ay ku qasbeen inay siidaayaan sida lagasoo xigtay John Steed, oo ah sarkaal katirsan urur la socda amniga baddaha.
Burcad-badeeda ayaa markabkaan oo lagu magacaabo Aris 13 qabsaday maalintii Isniinta, isagoo ka soo kicitimay Djibouti kuna sii jeeday Muqdisho.
Waa afduubkii ugu horreeyay ee markab ganacsi oo weyn oo ay budhcad baddeeda afduubtaan tan iyo 2012.
Steed wuxuu sheegay in markabka Aris 13, oo ay haatan gacanta ku hayaan ilaalada xeebaha Puntland uu ku xirtay dekeda Boosaaso.