Maamulka koonfur galbeed oo maanta odayaasha daqanka kala hadlay soo xulista xildhibanada cusub

0
160

Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa Maanta Magaalada Baydhabo waxaa uu kulan kula qaatay Odeyaasha Dhaqanka Koonfur galbeed, kaasoo looga hadlay soo xulista Xildhibaanada Barlamaanka 2aad ee Koonfur Galbeed.

Kulanka ayaa waxaa lagu lafa gurey soo xulista xildhibaanada iyo dardar gelinta sidii loo raaci lahaa Cutubka 3aad, Qodobkiisa 37aad Farqadiisa 2aad ee Daatuurka maaulka Koonfur galbeed oo ku qoran in Xildhibaanada Barlamaanka Koonfur Galbeed ay ahaadaan tiro ahaan 95 Xildhibaan.

Qaar kamid ah Odeyaasha Dhaqanka oo ka hadlay kulanka ayaa soo dhoweeyey in Xildhibaanada barlamanka Koonfur galbeed laga Dhigo 95 Xildhibaan halka hore ay u ahaayren 149 Mudane.

Si kastaba arintu a ahaatee waxaa ay dadka intooda badan is weydiinayaan meeqo kuraas ayey ku lahaan doonaan kooxaha aan deegaanka u dhalan ee markii hore shariif xasan si qaldan u siyey tiro aysan xa u laheyn.