Madaxweynaha dalka Zambiya oo warqadaha aqoonsiga ka gudoomay safiirka somaliya ee zambiya

0
114

Madaweynaha dalka Zambia ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka Soomaaliya ee dalkaas, Marwa Xaawo Xasan Maxamed.

Safiiradda ayaa ugu horreyn dhambaal iyo Salaam ay ka sidday Madaxweynaha Soomaaliya gaarsiisay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Zambia.

Safirika Soomaaliya ee Zambia Xaawo Xasan Maxamed ayaa uga mahadnaqey sida sharafta leh oo ay u soo dhaweeyeen jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool wadanka Zambia.

Marwa Xaawo Xasan ayaa horey xilal kala duwan uga soo qabatey dowlada somaliya ayadoo xilkeedii ugu dambeeyey ay aheyd wasiirada wasaarada caafimaadka, Marwa Xaawo ayaa ah qor howl kar ah wexeyna sare u qaadi doontaa xiriirka wanaagsan ee u dhaxeeya daka somaliya iyo Zambiya