
Dowladda Soomaaliya ayaa dardargalineysa qorshaha dhismaha maamulka Galmudug oo marar badan oo hore dib u dhacay kadib khilaaf soo kala dhaxgalay Dowladda Soomaaliya iyo Ahlu Sunna Waljameeca.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa sheegay in ay ka go’antahay dhismaha Dowlad Goboleedka Galmudug oo ay u dhan-yihiin dhamaan bulshada ku nool deegaannada Galmudug ayna diyaariyeen qorshayaashii lagu dhameystiri lahaa arrintan.
Wasiirka Sabriye ayaa sheegay in heshiiska lala galay Ahlu Sunna Waljameeca uu qeyb weyn ka qaadan doono dhameystirka dhismaha Galmudug, ayna sugayaan in beelaha ay soo dadajiyaan hannnaanka loo wajahayo dhismaha maamulka.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ayaa khamiistii ku guuleysatay inay heshiis la gasho culimada Ahlu Sunna Waljameeca kaa oo ay soo dhaweeyeen madaxda dowladda, qeybaha bulshada iyo beesha caalamka intaba.