Reysulwasaaraha oo soo dhaweeyy heshiska laga gaaray maamulka Galmudug

0
152

Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ayaa soo dhoweeyay heshiiska dhex maray Dowladda Federaalka iyo Ahlu Sunna Wal-Jamaaca (AWSJ).

Heshiiska oo ku yimid wada hadal dheer oo dhexmaray Dowladda Fedaraalka iyo Ahlusuna waljameeca oo ay Gacan ka gaysteen dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa waxa uu saldhig u yahay Galmudug midaysan oo loo wada dhan yahay.

Ra’iisul Wasaaraha waxa uu ugu baaqay dhamaan dadka Soomaaliyeed gaar ahaan reer Galmudug inay kawada shaqeeyaan sidii loo dhisi lahaa maamul u adeega shacabka Galmudug.

Ugu dambayntii waxaa uu u mahad celiyay cid walba oo Soomaaliyeed oo Gacan ka gaysatay heshiiskan iyo xubnaha Beesha Caalamka oo mar walba Garab taagan Shacabka Soomaaliyeed.