
Maxkamada Sare ee dalka ayaa maanta bilowdey dhegeysiga dacwad ka dhan ah dowladda dhexe ee Federaalka taasoo horay uu Maxkamada ugu soo gudbiyay Xisbiga Hiil Qaran ee uu hoggaamiyaha yahay Shariif Sheekh Axmed.
Dacwada ayaa Xisbiga Himilo Qaran waxaa ay ka gudbiyeen Dowladda Dhexe 6-dii Bishii Octoober ee Sanadkaan 2019, kadib markii Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho lagu xayiray Madaxweynihii hore ee Somalia Sheekh Shariif sheikh Axmed, xilli uu ku wajahnaa Kismaayo.
Halka ay dacwadu ka bilaabatay waxaa ku sugnaa Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed, Xubno ka socda Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawada oo dacwadda ay ka taallo iyo Xubno ka socda Xisbiga himilo Qaran.
Guddooomiyaha Maxkamada Sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed ayaa dhawaan sheegay in dacwada ay usoo gudbiyeen Xisbiga Himilo Qaran ay si cadaalad ah u qaadi doonaan.