Suldaan Warsame oo u Hambalyeyey Taliyaha Cusub ee loo Magacaabay Ciidanka Boliiska Koonfur Galbeed

0
342

Suldaanka beesha Jiido Suldaan Warsame Suldaan Caliyow ayaa waxaa uu u hambalyeeyey taliyaha cusub ee loo magacaabay Ciidanka Boliiska Koonfur Galbeed oo lagu magacaabo G/Sare Mohamed Haji Abdow ( Kornel Abdow ),

Suldaanka ayaa sheegay in taliyahan cusub ee loo magacaabay ciidanka boliiska koonfur galbeed in uu yahay shaqsigii ku haboonaa ee howshan kasoo bixi karo, isagoo ilaahay ugu baryey in uu howsha u fududeeyo.

G/Sare Mohamed Haji Abdow ( Kornel Abdow ) ayaa ah shaqsi qibrad u leh howshan loosoo magacaabay waxaana uu horey ula soo shaqeeyey dowladii hore ee kacaanka isagoo jagooyin kala duwana kasoo qabtey.