Wasiirka Wasaarada Gaashaandiga oo Maanta Gaaray Magalada Awdheegle

0
138

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Maxamed( Amar-dambe) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta gaaray degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Wafdiga ayaa waxaa qeyb ka ah wasiir ku xigeenka wasaarada caafimaadka heer federaal, taliye xigeenka ciidanka xooga dalka iyo wasiirka wasaarada gaadhaandhiga xukuumada Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha hoose.

Muhiimada booqashada ayaa ah in dib u dhis lagu sameeyo xarumo caafimaad, xeryo ciidan oo waaweyn, xarumo waxbrasho iyo saldhiga taliska Booliska Soomaaliyeed.

Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay kamid tahay degmooyinkii ugu dambeeyey ee Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay kala wareegeen Al-Shabaab.