Madaxweyne Ku Xigeenka Maamul Goboleedka Jubaland oo Magalada Ceelwaaq Kulan Kula Qaatey Saraakiil Ciidan

0
101

Madaxweyne ku-xigeenka maamul gobolleedka Jubbalanda Maxamuud Sayid Aadan oo ku sugan gobolka Gedo ayaa degmada CeelWaaq kulan kula qaatay saraakiil ciidan oo ay ka mid ahaayeen kuwa AMISOM.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa oo ka qeybalay Saraakiisha ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ee ka howlgala Degmada Ceel-waaq.

Sidoo kale Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland ayaa ciidamada Jubbalanad iyo kuwa AMISOM kala hadlay xaalada deegaanka iyo sidii loo kordhin lahaa qorshaha lagu sugayo amniga degmadaas iyo deegaanada hoostaga.

Waxaa kaloo uu kulan la qaatay Qeybaha kala duwan ee Bulshadda Ceelwaaq, isagoona ka hadlay hadlay sidii loo xaqiijin lahaa midnimada iyo xasiloonida dadka Jubbaland.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa sheegay in uu tegayo dhammaan degmooyinka Gobolka Gedo halkaas oo uu kula kulmayo qaybaha kala duwan ee bulshadda iyo saraakiisha ciidanka Jubbaland.