
Wararka Goor dhaw aynu ka helney deegaanka calamada ee duleedka magalada muqdisho ayaa sheegaya in alshabab ay weerar ku qaadeen gaari ay la socdeen askar ka tirsan ciidanka dowlada.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in halkaasi uu ka dhacay rasaas ay isweydaarsanayeen labada dhinac balse weli lama hayo xaqiiqda dhabta ee ku saabsan waxyeelada soo gaartey labada dhinac ee halkaasi ku dagaalamay.
Dhinaca kale ilaa iyo hadda ma jirto wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga ee dowlada federalka.
Wadada xiriirisa degmada Afgooye iyo magalada muqdisho ayaa ah wadada inta badan ay ka dhacaan weerarada gaadmada ah ee ay fulinayaan ciidamada alshabab taasoo inta badan ay waxyeelo kasoo gaarto shacabka isticmaala wadadaas.