
Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta magalada Garoowe ku qaabilay Safiirka Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya Danjire Ben Fender OBE iyo Wafdi uu hogaaminayo.
Kulanka waxaa Madaxweynaha ku weheliyey Madaxweyne Ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Maxamed Cabdiladiif.
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa uga mahad celiyey Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya Ben Fender OBE booqashada uu ku yimi Puntland, wuxuuna Madaxweynuhu sheegay in miro dhalka kulankan uu wax ka tari doono geedi socodka Siyaasadeed ee Soomaaliya.
Danjiraha Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya Ben Fender OBE oo isna warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Madaxweyne Deni ay ka wada hadleen sidii Doorashada Soomaaliya ugu dhici laheyd wakhtigeeda.