
Odayaasha degaanka Yaaq-bariweyne ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in ay cabasho ka yihiin Ciidanka sidda gaarka ah u tababaran ee Saldhigooda uu yahay degaanka Ballidoogle ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Qaar ka mid ah Odayaasha degaanka ayaa sheegay in Ciidanka si joogto ah ay howlgal kaga fuliyaan degaanka, islamarkaana ay xir xiraan qaar ka mid ah dadka degaanka ka dibna Saacado badan oo ay heystaan qaarkood soo daayaan.
Waxaa ay sidoo kale sheegeen in lacago ay ka qaataan goobaha ganacsiga ee ku yaalla degaanka inta ay ku jiraan howlgallada ay ka sameynayaan degaanka.
Waxa ay sheegeen in ay yihiin dad isugu jira Beeraley, Ganacsato iyo Xoololey, islamarkaana Saraakiisha Ciidanka dowladda aysan ka jawaabin Cabashooda.