
Golaha Amaanka Qarramada Midoobey ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada New York waxaa dood adag ka yeesheen qaraar ay soo gudbisay dowladda Britain oo la xiriira cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya.
Golaha ayaa dood dheer kaddib ugu danbeyntii isku raacay in muddo sanad ah lagu kordhiyay cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya.
Waxaa uu sidoo kale Goluhu mamnuucay in dalka Soomaaliya loo dhoofiyo wax-yaabaha Kiimikada ah taasoo ay sheegeen in loo adeegsado farsameynta walxaha qaraxa oo ay inta badan adeegsadeen Ururkada dagaalka kula jira dowladda Soomaaliya.
Ugu danbeyntii Golaha ayaa cambaareeyay hubka iyo rasaasta sharci darada ee loo dhoofiyo Soomaaliya ee xadgudubka ku ah cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya.