Wasarada Garsoorka oo Shacbka Uga Digtey Garsoorka Loo Doonto Alshabab

0
364

Wasiirka Wasaaradda Cadaallada Dowladda Soomaaliya Xassan Xusseen Xaaji ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in aysan cadaallad iyo Garsoor u doonan deegaannada ay maamulaan Al-shabaab.

Wasiirka ayaa dhinaca ugu baaqay garsoorayaasha Soomaaliyeed in ay hagaajiyaan adeegga Garsoor oo ay bulshada u hayaa si ay u kasbadaan una soo jiitaan dareenka Shacabka ay ka qabaan hay’addaha cadaallada Dowladda Soomaaliya.

Wax-yaabaha la fahansan yahay in ay dadka ku dhiirogeliso in ay u cadaalad doontaan Al-Shabaab waxaa kamid ah Garsoorayaasha maxkamadaha dowladda oo qaarkood qaata laaluush, taasi oo keenta inay kaga eexadaan dacwadooda.

Dadka ku dhaqan deegaannada ay maamusho dowladda Soomaaliya ayaa intooda badan garsoorka iyo xukunka u aada deegaannada ay maamulaan Al-shabaab, iyaga oo u arka maxkamada ay gacanta ku hayaan Al-shabaab kuwa dadka loogu kala saaro si cadaallad ah.