Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal oo Sheegay In Doorashada aan Dib Loo Dhigi Doonin

0
151

Guddoomiyaha barlamaanka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo maalmahanba ku sugnaa dalka Itoobiya, gaara ahaan Magaalada Jigjiga ee dowlad deegaanka Soomaalida, ayaa waxaa uu ka hadlay doorashada la filayo in Soomaaliya ay ka dhacdo sanadka dambe.

Mursal ayaa sheegay in doorashada ay ku dhici doonto xiliga loogu talo galay, oo aysan jirin wax dib u dhac ah oo ku imaan doona doorashada, barlamaanka Soomaaliyana uu ka doodi doono shuruucda doorashada soo soocta.

Waxaa kale oo uu sheegay in mudo xileedka dowlad walba ay ku qoran tahay dastuurka, oo dowladda walba ay heysato afar sano, marka afartaas sano ay dhamaatana doorashada la qaban doono.

Barlamaanka Soomaaliya ayaa guddi u magacaabay sharciga doorashada la filayo in dhawaan ay ka dhacdo dalka, waxaana guddigaas uu kulamo ugu tegay inta badan maamulada dalka, si ay uga ra’yi dhiibtaan sharciga doorashada.