Madaxweynaha Somaliya iyo Kenya oo Kala Saxiixdey Dhowr Qodob oo Heshiiyo ah

0
31

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Kenya Uruhu Kenyatta ayaa wadahalo qaaday Saacado ku yeeshay Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya.

Labada Hoggaamiye oo kulanka ka dib Warbaahinta la hadlay waxa ay shaaciyeen heshiisyo dhowr ah oo ay gaareen .

Waxaa ka mid ah in dib loo soo Celiyo Duulimaadyadi Tooska ahaa ee Diyaaradaha ay ku tagi jireen Muqdisho iyo Nairobi iyadoo la joojiyay marinki ay Diyaaradaha ku hakan jireen ee ahaa Garoonka Diyaaradaha ee Wajeer.

Waxaa sidoo kale ka mid ah in Shaqaalaha Dowlada lagu siiyo Visaha Dalku Galka ee Kenya Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Nairobi.

Labadda Hoggaamiye ayaa sidoo kale ku heshiiyay in si wadajir ah looga wada shaqeyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo in Sare loo qaado xiriirka ka dhaxeeya labadda dal.