Baarlamaanka Maamul Goboleedka Puntland oo Doortey Gudoomiye Baarlamaan

0
39

Xildhibaannada Baarlamaanka maamul gobolleedka Puntland ayaa guddoomiye cusub u doortay Xildhibaan Cabdirashiid Yuusuf Jabriil isaga oo ka guuleystay labo musharax kale oo xilkan kula tartamay.

Doorashada ayaa wareegii labaad waxaa isugu soo haray Xildhibaan Cabdirishiid Yuusuf Jibriil oo helay 34 Cod iyo Xildhibaan Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed oo helay 17,waxaana Wareego koowaad ku haray Xildhibaan Cali Axmed Saalax (Cali Dhahar).

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Puntland Abuukaate Cabdicasiis oo ku dhawaaqay natiijada ayaa sheegay in wareegii labaad uu helay Xildhibaan Cabdirishiid Yuusuf Jibriil 46 cod halka musharaxa labaad Xildhibaan Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed uu helay 17 Cod, waxaana sidaa guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland ku noqday Xildhibaan Cabdirashiid Yuusuf Jabriil.

Guddoomiyaha cusub ayaa balan qaaday in uu wada shaqeyn dhaw la yeelan doono guuud ahaanba xildhibaannada Golaha Shacabka isaga oo ilaalinaya sharciga iyo dastuurka maamulka gobolleedka Puntland.