Maxkamada Ciidanka Qalabka-sida oo 3 Dhalinyaro ah Ku Xukuntey Dil Toogasho

0
45

Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ayaa xukun dil ah ku ridday xubno ka tirsan Al-Shabaab, kuwaasoo kala ah Shuceyb Cabdullaahi Maxamed iyo Saadaq Cabdijabaar Xuseen.

Labadan dhalinyaro ayaa loo heystaa inay ka qeyb qaateen dilal ka dhacay magaalada Muqdisho oo loo geystay askar ka tirsan ciidanka dowladda.

Eedeysanaha koowaad Saadaq Cabdijabaar ayaa loo heystaa inuu ka mid ahaa Al-Shabaab, gaar ahaan qeybta fulisa dilalka qorsheysan, waxaana lagu qabtay dilka Marxuum Ex Dable Maxamuud Xasan Ibraahim oo la dilay bishii March ee sanadkan 2019.

Eedeysanaha kale Shuceyb C/llaahi Maxamed ayaa isna loo heystaa dilka 3 askari iyo qof shacab ah oo ka ganacasanayay Hilibka, waxaana Maxkamadda ku soo eedeysay inuu siyaabo kala duwan ugu dilay Muqdisho illaa saddex askari laga soo bilaabo sanadkii 2017 illaa 2018.

Sidoo kale Maxkamadda ayaa xabsi daa’in ku xukuntay Maxamed Cismaan Axmed iyo Ismaaciil Aweys, kuwaasoo iyana loo heysto inay ka qeyb qaadanayeen falal xiriira amni daro.