Reysulwasaaraha Xukumada Federaalka oo Fariin u Diray Beesha Caalamka

0
29

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xassan Cali Khayre oo Faransiiska uga qayb galay shirka sanadlaha ah ee madasha nabadda Paris, ayaa sheegay in ay muhiim tahay in saaxiibada caalamka ay muhiimad gaar ah siiyaan maal gelinta hannaanka dib-u-kabashada dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dood uu ka qayb galay waxa uu ka caddeeyay in Soomaaliya ay hiigsaneyso horumar ballaaran oo u horseeda in ay soo ceshato kaalintii ay dunida horay ugu laheyd.

Dhinaca kale, Ra’iisal wasaaraha ayaa kulamo kala duwan la qaatay qaar ka mid ah mas’uuliyiintii caalamka ee ka soo qeybgashay kulanka ka dhacay Paris isaga oo kala hadlay xaalada Soomaaliya.