Masuuliyiin Ka tirsan Deegaano Hoos Taga Magalada Balcad oo Xalay La Dilay

0
39

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya toogasho xalay saqdii dhexe guddoomiye & ku xigeenkiisa loogu geystay duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Toogashada oo ay fuliyeen rag hubeysan oo aan la garan heybtooda ayaa waxaa loo geystay guddoomiyaha deegaanka Cadayga, Cabdulle Xasan Xaaji iyo ku xigeenkiisii, Cilmi Qooje Xasan.

Wararka ayaa sheegaya in ragga dilka fuliyey ay xalay mas’uuliyiintaasi kaxeysteen, kuna toogteen meel banaanka ah deegaanka Cadayga ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Ciidamo ka tirsan kuwa Milatariga Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa inay gaareen halkaasi, islamarkaana ay ka bilaabeen baaritaano lagu baadi goobayo kooxihii ka dambeeyey toogashadaasi.